Thursday, September 11

Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah ula wareegtay xidiga khadka dhexe ee Kooxda Chelsea, Mason Mount.

Kooxda Man United, ayaa labbo toddobaad ka hor heshiis shakhsi ah la gaartay xidiga, waxaana taasi ay suura galisay in si toos ah ay isku hor fadhiistaan labada kooxood, oo arrintaasi heshiis sugan ka gaaray.

Wuxuu Mason Mount Chelsea uga soo wareegayaa lacag dhan £60m oo ay United miiska saartay.

United ayaanan marnaba ka rajo dhigin soo xiro galinta xidigan, sababo la xiriira kalsooni ay ku qabtay heshiiskii shakhsiga ahaa ee ay la gaartay.

Exit mobile version