Thursday, September 11

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa iminka ku sugan dalka Masar kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalkaasi Abdul-Fetah Al Sisi.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa daaran arrinta la xiriirta damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya, waxaana Masar ay ballanqaad rasmi ah u sameysay Soomaaliya.

Masar oo ay xurguf kala dhaxeyso Itoobiya ayaa waqtigan garab buuxa u noqoneysa Soomaaliya, waana arrin ay aad ula dhacday Villa Soomaaliya, oo xilligan daneyneysa cid kasta oo taageero ugu yabaaheysa.

Masar ayaa si hoose Soomaaliya ugu sheegtay in ay siin doonto taageero milatari, haddii uu khilaafku xoogeysto, xilli Itoobiya ay dooneyso in ay awood milatari adeegsato.

Damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, ayaa xilligan ah xiisada ugu kulul ee ka taagan geeska Afrika, waxaana urur goboleedka IGAD, ay taageero u muujiyeen Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen dalka Ugandha.

Exit mobile version