Saturday, September 13

Markab xamuul oo Masar ay leedahay ayaa xirmaddii labaad oo hub ah geeyey Soomaaliya, sida ay Isniinta maanta ah xaqiijiyeen saraakiil militari iyo mas’uuliyiinta dekadda Muqdisho, waxaana Hubkan ku jira qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda.

Markabka ka yimid Masar ayaa billaabay dejinta hubka maalintii Axadda, sida uu sheegay diblomaasi ay soo xigatay wakaaladda wararka Reuters.

Ciidamada ammaanka ayaa Axaddii iyo Isniinta maanta xiray waddooyinka iyo hareeraha dekadda, iyadoo kolonyo baabuur ah ay hubka u qaadeen dhismaha wasaaradda gaashaandhigga iyo saldhigyo ciidan oo ku dhow, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba ka mid ah shaqaalaha dekedda iyo laba sarkaal oo milateri ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaan weli si rasmi ah uga hadal hubkan. Xubno dhowr ah oo ka tirsan dowladda, oo ay la xiriir aan la sameynay, waa ay ka gaabsadaan inay ka hadlaan arrintan.

Waa shixnaddii labaad oo hub ah oo Masar ay gayso Soomaaliya bil gudaheed. 27-kii August, diyaarad militari oo Masar ay leedahay ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka dejisay hub iyo rasaas. Labada dal ayaa heshiis amni kala saxiixday bishii August.

Exit mobile version