Si xoog leh ayaa looga deyrinayaa xaaladda ay ku sugan tahay degmada Bardaalle ee gobolka Baay, halkaas oo ay si xooggan u saameysay daadadka El-nino ee ku dhuftay Soomaaliya.
Dadka ayaa wajahaya xaalad cunno la’aan ah, waxaan badankood ay ku sugan yihiin go’doon, maddaama aqaladooda ay biyuhu buux dhaafiyeen.
Sidoo kale waxaa biyaha fatahaada ka dhashay, xanuuno kala duwan, kuwaas oo soo ritay caruurta iyo haweenka, mana helin ilaa waqtigan gurmad caafimaad.
Masuuliyiinta maamulka Bardaalle, oo walaacan la wadaagay warbaahinta, ayaa codsaday in loo soo gurmado dadka ku sugan magaalada Bardaalle ee gobolka Baay, inta aanay xaaladooda ka sii darin.