Friday, September 12

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Martha Koome oo uu bishii May 2021 magacaabay Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Uhuru Kenyatta, ayaa ah qof sumcad ku dhex leh dalka Kenya gaar iyadoo aad loogu amaano hab-dhaqankeeda xagga hufnaanta iyo madax banaanida ah. Martha oo ah haweeneydii ugu horeysay ee madax ka noqota maaxkamadda sarre ayaa lagu xasuustaa isbadalladi ay sameysay bilo kadib magacaabisteeda iyadoo qaaday tallaabooyin waa weyn oo ay dib-u-habayn ballaaran ugu sameysay sharciyo badan. Isbadallada ay Martha Koome sameysay ayaa waxaa aad u taageeray Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga, inkastoo ay dad badani u arkeen kuwo dhinac loogu riixayo William Ruto.

Laakin marka laga soo tago sumcadeeda ballaaran ee xagga hufnaanta iyo madax banaanida, Martha Koome waxa ay mareysaa tijaabo kale oo culus, kadib markii Raila Odinga uu Isniintii shalay aheyd gudbiyay dacwad ka dhan ah natiijada doorashada.

Waxaa ay wajaheysaa siyaasi mar taageeray tallaabooyinkii waa weynaa ee ay sharciyo badan ku badashay oo hadda doonaya in uu laalo natiijada doorashadii madaxtinimo ee 9-ka bishan ka qabsoontay dalkaasi Kenya.

Maxkamadda Sare ayaa haysata muddo 14 maalmood oo ay ku go’aamin doonto xukunka kama dambeysta ah kaas oo soo afjari doona muranka ka dhashay natiijada doorashada.

Xukun kama dambaysta ah

Maxkamadda Sare waa maxkamadda sharciga ee ugu sareysa dalka, waxaana lagu dhisay qodobka 163 ee dastuurka Kenya. Maadaama ay tahay maxkamadda ugu sarreysa dalka, go’aamada ay maxkamadda soo saarto waa kuwo kama dambeys ah oo dhaqan gal ka ah dhammaan maxkamadaha kale ee dalka.

Maxkamadda Sare waxaa ay ka kooban tahay madaxweyne, madaxweyne ku xigeen iyo shan garsoore oo kale. Waxaa si rasmi ah u magacaabaya madaxweynaha, inkastoo madaxweynuhu laheyn awood uu kusoo doorto.

Maxkamadda Sare waxaa loo asaasay inay go’aan ka gaarto go’aannada ka soo baxa maxkamadaha rafcaanka ee la xiriira sharciga ama fasiraadda dastuurka waana maxkamadda keliya ee loo oggol yahay inay ka garnaqdo khilaafaadka doorashada.

Martha Koome waxay marar badan sheegtay in garsoorka Kenya uu ka madax banaan yahay waaxda fulinta. Maxkamadda Sare ee Kenya waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay maxkamadaha ugu adag ee gobolka isla markaana kasbaday “kalsooni xooggan”.

Go’aankii Maxkamadda ee 2017

Maxkamadda Sare ayaa 1-dii Sebtembar, 2017 go’aan ka gaartay muran ka dhashay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi kadib markii Raila Odinga uu dacwad ka furay maxkamadda sare, isagoo ku andacoonaya in la jabsaday xogta Guddiga Doorashada (IEBC) isla markaana la-isdaba mariyay natiijada. Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in Uhuru Kenyata uu 54% ku guuleystay doorashada halka ay sheegeen in Raila uu helay 45%.

Maxkamadda Sare ayaa xukmisay isla markaana kasoo qaaday natiijada doorashada “waxba kama jiraan” iyadoo amartay in dib loogu noqdo isla markaana canaan kulul u jeedisay Guddiga Doorashooyinka ee IEBC.

Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa uu noqday kii ugu horeeyay ee qaaradda Afrika. Inkastoo go’aanka ay maxkamaddu qaadatay uu noqday mid dunida ay ku amaantay madaxbannaanida garsoorka Kenya, hadana Uhuru Kenyatta ayaa si caro leh ugu tilmaamay mid “cadowtinimo ah”, wuxuuna xukunkaasi horseeday qalalaase iyo xasillooni darro.

Hase yeeshee, Raila Odinga ayaa qaadacay in uu ka qeybgalo doorashada ku celiska ah isagoo sheegay in guddiga doorashada uu ku guuldareystay inuu sameeyo isbedello lagama maarmaan ah, waxaana Kenyatta uu sidaasi ugu guuleystay 98% doorashadii ku celiska aheyd.

Xukun horseedi kara nabad waarta ama colaad

Martha Koome iyo lixda garsoore ee ay madaxda u tahay waxa ay xukmin doonaan mid ka mid ka mid ah xujooyinka xagga sharciga ah ee ugu waa weyn qaaradda Afrika. Waa xukun horseedi doona nabad waarta ama colaad kale midkood. Waa mid dhaawici kara kalsoonida shacabka ee garsoorka ama usoo jiidi kara ammaan iyo sumcad mar kale lagu bogaadiyo garsoorka.

Waxaa la aaminsan yahay in Martha oo iminka da’deedu tahay 62 sano jir isla markaana leh 34 sano khibrad sare oo xagga sharciga ah ay si hufnaan leh oo ay labada dhinac iyo shacabkuba ku qanci doonaan u xukmin doonto murankan mar kale dib usoo cusboonaaday.

Ahmed Dhaqane, Nairobi

Exit mobile version