Markabkii ugu horeeyay ee sida qamandi ayaa maanta ka ambabaxay dekedda koonfureed ee Odesa kadib markii heshiis taariikhi ah laga gaaray dhoofinta qamandiga Ukrain tan iyo intii uu xayiray Ruushka bishii Febraayo ee sanadkan.
Ukrain iyo Ruushka ayaa si wada jir ah usoo dhaweeyay tallaabadan oo aheyd mid si weyn dhaqan galkeeda indhaha caalamka loogu hayay.
Markabkan oo sida illaa 26,000 oo tan ayaa ku sii jeeda dalka Lubnaan iyadoo lagu sii baari doono mid ka mid ah dekadaha Istanbuul. Waxaa la rajeynayaa in heshiiskan uu fududeyn doono dhibaatada cunno yarida ee ka jirta adduunka iyo in uu hoos u dhigi doono qiimaha cuntada oo waayihii dambe cirka ku shareertay.
Dalka Turkiga oo kaalin weyn ka qaatay heshiiskan ayaa sheegay in toddobaadyada soo socda la qorsheeyay in shixnado kale ay ka baxaan dalka Ukrain. Illaa saddex dekedood oo ku yaala koonfurta Ukraine gaar ahaan magaalooyinka Odesa, Chornomorsk iyo Pivdenny ayaa la filayaa inay noqdaan goobaha laga dhoofin doono qamandiga iyo haruurka kale ee ay Ukrain soo saarto.
Qaramada Midoobay oo sidoo kale garwadeyn ka aheyd heshiiska dhoofinta qamandiga ayaa soo dhaweysay tallaaban. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyay ka bixista markabkii ugu horreeyay ee sida haruur laga soo qaaday dekedda Odesa ee dalka Ukraine.
Ruushka ayaa todobaadkii hore duqeyn uu ka geystay magaalada dekedda ah ee koonfurta Ukraine ee Mykolaiv ku dilay mid ka mid ah ganacsatada ugu waa weyn ee dhoofiya qamandiga iyo xaaskiisa.
Axmed Dhaqane, Hortabin Media