Thursday, September 11

Sida ay sheegeen ciidamada badda India, waxey soo badbaadiyeen markab nooca xamuulka qaada ah, kaas oo ay dhawaan afduubteen burcad badeed Soomaali ah.

Ciidamada badda India ayaa sheegay in ay sameeyeen howlgal culus qaaday, kaas oo ay ku soo badbaadiyeen markabkan oo khamiistii laga afduubtay meel wax yar u jirta xeebaha Soomaaliya.

Markabka ay soo badbaadiyeen ciidamada badda India ayaa lagu magacaabaa MV-Lila Norfolk, waxaana nuuciisu uu yahay kuwo Xamuulka qaada, isagoo ku socdaalayay calanka Liberia, xilliga weerarka lagu qaaday, wuxuuna ku jeedau dekedda Khalifa bin Salman ee Bahrain, sida ay xoguhu sheegayaan.

Qoraalka ka soo baxay ciidamada badda India ayaa sidoo kale lagu sheegay in la soo badbaadiyey 21 bad-maaxiyiin ah oo la socday markabka, kuwaas oo badqaba waqtigan.

Halista burcad badeeda Soomaalida ayaa sii xoogeysaneysa, xilli Xuutiyiinta Yemen ay bartilmaameedsanayaan maraakiibta ganacsiga ee kusii jeeda Israel, taas oo walaac ku keentay amaanka Badda Cas.

Exit mobile version