Waxaa lagu wadaa in la daah furo January 2024, markab magaciisu yahay Icon of the Seas, kaas oo ka wayn markabkii Titanic oo ahaa 882.75 feet, halka Icon uu yahay 1,200 feet, waxana uu noqonayaa markabka ugu wayn caalamka, kadib Titanic-gii quusay.
Markabkan ayaa waxaa lagu farsameeyay magaalada Turku ee dalka Finland, waxaana sameeyay shirkadda Royal Carribean International, oo maraakiibta sameysa iyadoona hada dadka ay booking gareesanayaan, si ay ugu dalxiisaan.
Markabkan ayaa qaadi kara 5,610 qof oo dalxiisayaal ah iyo 2,350 shaqaalaha markabka ah.
Dhanka kale, markabkan waxaa uu shan jeer ka culus yahay Titanic, waxana uu qaadi karaa 250,800 tons halka Titanic uu qaadi karay 50,210 tons, islamarkaana, kumanaan qof ayaa sii carbuuntay si ay u noqdaan kuwa ugu horeeya ee raaca, si ay taariikhda u galaan.