Sunday, September 14

Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, gaar ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiishan waxaa socdaalkooda ku wehlinayey Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow, waxeyna booqdeen dhowr fariisin oo ay ciidamada dowladda kaga sugan yihiin Shabeelaha Dhexe.

Socdaalkan Saraakiisha Mareykanka ay ku taageen furimaha hore, waxaa hor boodayey taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell, waxaana saraakiisha ay qiimeyn ku sameeyeen dagaalka iyo sida guul looga soo hoyn karo.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo kulanka ka hadlay ayaa amray saraakiisha ay la kulmeen inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Argagixisada iyadoo la kaashanyo dadka Deegaanka oo diyaar u ah dagaalka kooxdaasi.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale taageero siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Exit mobile version