Saturday, September 13

Waaxda hantida dibadda ee wasaarada lacagta Maraykanka ayaa soo saartay liis ay ku jiraan shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah oo lagu soo rogay xayiraad loona jeediyey inay dhaqaale u ururiyaan Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya.

Shaqsiyaadka iyo shirkadaha la xayiray ayaa xarumahoodu ku yaalaan geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo jasiirada Qubrus. Shabakadan waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inay dhaqaale ku taageereen ururka Al-shabaab

Warka ka soo baxay Maraykanka waxaa lagu sheegay in dadka ku jira shabakadani ay ka mid yihiin ganacsato saamayn leh oo ku sugan gobolka, kuwaasi oo taageero maaliyadeed siiya Al-Shabaab oo xirir la leh Alqaacida kana masuul ahaa sida xogtu sheegtay weeraro dad badan oo rayid ah ku dhinteen oo ka dhacay bariga Afrika.

“Maraykanka waxaa ka go’an in uu la shaqeeyo saaxiibada gobolka si loo ciribtiro shabakadaha maalgelinta argagixisada iyo hay’adaha ay ku takri falaan si ay u ururiyaan oo ay u dhaqaajiyaan dhaqaalaha,” ayuu yiri ku xigeenka Xoghayaha Maaliyadda ee Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian E. Nelson.

Tallaabadan ayey Maraykanku ku sheegeen inay u qaadeen si ay ugu gacan siiyaan dowladda Soomaaliya oo wada sida ay xuseen dagaal dhanka curyaaminta maaliyadeed ee Kooxda Alshabaab sida warsaaxafeedka wasaarada lacagta Maraykanku sheegeen.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Shabaab sannadkiiba urursato in ka badan $100 milyan oo dollar oo ay baad ahaan uga qaaddo ganacsatada gudaha iyo shaqsiyaad, lacagtaas oo lagu eedeeyey inay al-Shabaab la wadaagto laamaha kale ee ururka Al-Qaacida ee ku kala sugan dunida.

Sidoo kale war-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in tallaabada laga qaaday dadkan iyo shirkadahani loo cuskaday xeerka qaabilsan kooxaha argagixisada iyo kuwa wax u fududeeyaba, iyadoo sidoo kale lagu xusay magacyada shirkadaha iyo waliba dadka cunoqabatayntan lagu soo rogay.

Marayanku waxa uu sheegay in shirkadaha uu bartilmaameedsaday ay ku jirto mid fadhigeedu yahay Dubai, dalka Imaaraadka Carabta oo lacagaha gudbintooda u fududaysa al-Shabaab, oo ku tiirsan hoggaanka shirkadda iyo laamaheeda oo xafiisyada hoos yimaada uu Marayanku sheegaay inay ku kala sugan yihiin Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Qubrus si ay lacago ugu ururiyaan uguna gudbiyaan al-Shabaab.

Marayanka ayaa sheegay in tallaabadan Wasaaradda Lacagtu qaadday darteed in dhammaan hantida iyo danaha ay leeyihiin shirkadaha iyo shaqsiyaadka la bartilmaameedsaday ay ku leeyihiin Marayakanka ama ku jirta gacanta dad Marayakn ah la xayiri doono.

Exit mobile version