Thursday, September 11

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay natiijada doorashada madaxtinimo ee uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya (IEBC) Wafula Chebukati.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Ned Prince oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono xoojinta iskaashiga uu la leeyahay Kenya.

“Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha, wuxuu ku dhawaaqay in William Ruto uu yahay murashaxa ku guuleystay doorashada madaxtinimada Kenya,”

“Si horay loogu sii socdi, waxaanu ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada in ay iska kaashadaan sidii si nabad ah loogu xallin lahaa tabashooyinka jira ee doorashada iyadoo loo marayo hababka xallinta khilaafaadka ee jira. Waxaanan ka codsanaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda in ay sii wadaan ku boorinta taageerayaashooda in ay nabadda ilaaliyaan oo ay ka fogaadaan rabshadaha inta lagu jiro hannaanka doorashada.” ayuu yiri Mr Price.

Mr Prince ayaa intaas ku daray in safaaradda Mareykanka ee Kenya ay si joogto ah ula xiriirto dowladda Kenya ayna ku adkeyso in degenaanshaha iyo xasiloonida ahmiyadda ugu sareysa la siiyo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaan weli dhambaal hambalyo ah u dirin madaxweynaha la doortay William Ruto.

Axmed Dhaqane – Nairobi

Exit mobile version