Friday, September 12

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay soo dhaweyneyso ansixinta golaha shacabka ee xukuumadda cusub.

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ansixinta Golaha Wasiirada cusub. Mareykanka waxaa ka go’an in uu sii wado ka qayb qaadashada iyo taageeridda dib u soo kabashada Soomaaliya.” ayay safaaraddu tiri qoraalkeeda.

Taageerada Mareykanka ayaa kusoo aadeyska maalin kadib markii ay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay si buuxda u garan istaagsan tahay madaxbanaanida dhuleed ee dalka Shiinaha kadib muran ka dhashay booqashadii Afhayrenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay ku tagtay jasiiradda Taiwan.

Maxamed Xuseen, Muqdisho

Exit mobile version