Saturday, April 11

Maraykanka ayaa ku cabaynaya maraakiibtiisa dagaalka “hubka ugu wanaagsan” waa haddii ay fashilmaan wadahadalada nabada ee Iran, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay.

Isagoo ka hadlayay wareysi taleefoon oo uu siiyay New York Post Jimcihii, wuxuu yiri “waxaan ku ogaan doonnaa 24 saacadood gudahood,” sida uu sheegay wargeysku.

“Waxaan ku raraneynaa maraakiibta hubka ugu wanagsan ee abid la sameeyo, xitaa heer ka sareeya inta aan isticmaalno si aan u sameyno burburin dhameystiran.

“Oo haddii aan heshiis la gaarin, waan adeegsan doonnaa, waxaana u adeegsan doonnaa si wax ku ool ah,” ayuu raaciyay.

Iraaniyiinta, wuxuu sheegay inay yihiin dad “aanan garanayn inay runta sheegaan iyo in kale”. maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in dalka Pakistan uu ka furmo wadahadal u dhaxeeya labada dal.

Exit mobile version