Thursday, September 11

(Hortabin Media) – Dowladda Mareykanka oo kal hore cadeysay mowqifkeeda ku aaddan damaca Itoobiya ee qeyb ka mid ah Biyaha Soomaaliya, ayaa mar kale taageero xooggan u muujisay dowladda Soomaaliya.

Mareykanku wuxuu sheegay inuu si cad u diidan yahay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, wuxuuna qiray inuu keliya aqoonsan yahay madax bannaanida iyo wadarjirka dhuleed ee Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay arrin aan shaki la galin karin.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale soo dhaweysay shirka IGAD ee ay marti galineyso Ugandha,kaas oo uu ku tilmaamay mid muujinaya hididiilo iyo isku soo dhawaansho.

Mareykanka ayaa dhinacyada shirka ka qeyb galaya kula taliyey in wada hadal lagu xaliyo xiisada u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, isla markaana aan gobolka loo horseedin xasilooni darro hor leh.

Hadalka ayaa noqonaya mid niyad jabinaya Itoobiya oo qorsheyneysa in ay fuliso damaceeda ku aaddan hanashada 20-km oo ka mid ah biyaha Soomaaliya, sida uu dhigayey heshiis beenaadkii ay la gashay Somaliland, oo ah maamul ictiraaf raadis ah oo doonaya inuu ka go’o Soomaaliya.

Exit mobile version