Friday, September 12

Dowladda Mareykanka ayaa baaq xooggan u dirtay dhinacyada ku dagaallamaya Gaza, iyadoo ku baaqday in colaada la hakiyo, xilli ay xaaladdu ka sii dareyso maalinba maalinta ka danbeysa.

Toddobaadkan Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris, ayaa carabka ku dhufatay muhiimada ay leedahay in Gaza laga hirgaliyo xabad joojin rasmi ah.

Dhinacyada ayey ugu baaqday in ay dagaalka hakiyeen, maddaama uu kordhayo khasaaraha ka dhalanaya dagaalka ka socda mudada dheer marinka Gaza.

Kamala Harris ayaa tilmaantay in loo baahan yahay xabad joojin Lix toddobaad qaadata, si dadka tabaaleysan loola gaaro gurmad bani’aadmninimo.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Masar iyo Qatar ay kala shaqeynayaan sidii xabad joojintaasi u hirgali lahayd, waxeyna hoosta ka xariiqay in Xamaas looga fadhiyo in ay sii deyso dadkii ay kal hore qafaalatay.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay macluul ka dhacda Gaza, waxaana xusid mudan in dagaalka uu socdo tan iyo horraantii bishii October ee sanadkii aynu ka soo gudubnay, iyadoo mudadaasi xasuuqa Israa’iil ay geysaneyso ay ku geeriyoodeen dad aad u fara badan oo Falastiiniyiin ah.

Exit mobile version