Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka waxaa la kordhiyey ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo tiradooda la gaarisiiyey 900 oo askari, halka markii hore ay ka ahaayeen 450
Arrintan lagu kordhiyey Ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya, ayaa daba joogta qaraarkii ay dhawaan labada xisbi ee dalkaasi, Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga ay ku oggolaadeen in Soomaaliya ay sii joogaan ciidamada uu leeyahay Mareykanka.
Tirada cusub ee ciidamada Mareykanka ee lagu biiriyey kuwii hore u joogay Soomaaliya, ayaa ka dhigan in ay kaalin ku yeelan doonaan wajiga labaad ee howl galka ka dhanka Al Shabaab, oo dhawaan ka billawday qeybo ka mid ah Gobollada dalka.
Dowladda Mareykanka ayaa sanado badan si joogta ah dhanka ciidanka uga taageereysay Soomaaliya, waxaana saldhigooda ugu weyn ay leeyihiin Magaalada Ballidooglle ee gobolka Shabeelaha hoose, halkas oo ay ku tababaraan ciidamo Soomaaliyeed.
Mareykanku wuxuu sidoo kale bixiyaa Mushaaraadka Ciidamada Nabad Sugida ee uu gacanta ku hayo iyo kuwa PSF ee maamulka Puntland, isagoo saldhig kale ku leh magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.