Thursday, September 11

Mareykanka wuxuu u muuqda inuu isku diyaarinayo qabsashada dalka Venezuela, oo heysta kaydka ugu badan ee shidaalka caalamka, waxaana dhowrkii cisho ee la soo dhaafay la arkay hab-raac suragal ka dhigaya duullaan uu Mareykanka ku qaadayo Venezuela.

  • Mareykanka wuxuu diiday jiritaanka dawladda Venezuela ee uu hoggaamiyo , Nicolas Maduro oo Mareykanka uu madaxiisa ku raadinayo 50 milyan oo dollar.
  • Mareykanka wuxuu sheegay in Maduro uu boobay doorashadii u dambeysay oo aysan sharciyad ku dhisnayn dawladiisa, taa oo la macno ah in Mareykanka uu u aqoonsanyahay Venesuela dal aan dawlad lahayn.
  • Mareykanku Intaa ugama harin, Hoggaamiyaha Venuzula wuxuu ku eedeyay Nicolas Maduro, inuu hoggaamiyo qaar ka mid ah kooxaha ugu khatarta badan ee daroogada ka ganacsada dilalkana fuliya, taas oo ah cududaar iyo mar marsiyo si shaqsi ah loogu beegsan karo.
  • arrintan waxaa xigtay in Trump, uu si hoose u ansixiyay qorshe u oggolaanaya ciidanka Mareykanka inay weerarri karaan kooxaha daroogada meel kasta oo ay ku suganyihiin, kulana dhex dagaallami karaan dhulka dalal kale , taa oo noqoneysa Tallaabo lagu sharciyeenayo inay ciidanka Mareykanka dhulka dal kale ku duuli karaan.
  • Isla toddobaadkan gudihiisa Wakaaladda wararka Reuters, ayaa iyaduna daahqaaday in 4 kun oo askari oo ka tirsan ciidanka Mareykanka iyo saddex markab oo ah kuwa dagaalka ee Mareykanka shalay loo diray inay ku dhawaadaan xeebaha Venezuela.
  • Wax yar un kadib dhaqa dhaqaaqa mareykanka madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro wuxuu amray in dhammaan ciidanka Venezuela, la galiyo heegan laguna diyaariyo goob kasta oo laga soo weerarri karo, sida ay baahisay CNN, wuxuu Maduro yiri ; “ Uma oggolaanayno dalkeenna gumeysi, mana isku dhiibi doono gumeyste , waan dagaallami doonaa.”

Madaxweynaha dalka Venezuela, Nicolas Maduro ayaa qorsheynaya in Mareykanka hadii uu billaabo duullaan uu venezuela ku qabsanayo in qof kasta oo Venezuela ku sugan la siin doono hub uu ku difaaco dalkiisa, iyadoo mar horaba la diyaariyay 4.5 milyan oo qof oo ku kala sugan dhammaan magaalooyinka dalkaa oo la hubeeyay, kuwaasoo loo diyaariyay inay la dagaallamaan Mareykankan oo ciidankiisa iyo maraakiib dagaal ku soo daabulaya xeebaha ku dhow Venezuela.

Wuxuu yiri Madaxweyne, Nicolas Maduro “ Qof walba oo Venezuela jooga waxaan siinayna qori iyo rasaas , marna yuusan naga filan Mareykanka kuwa is dhiibaya inan noqono.”

Trump, ayaa toddobaadkan markii u horreysay yiri ; “ Wasaaradda difaaca Mareykanka waxaan doonayaa inan ka beddelo magaca oo aan u bixiyo Wasaaradda Dagaalka!”

Xoghayaha difaaca Mareykanka , Pete Hegseth ayaa isagoo dhinac fadhiya Trump , wuxuu isna sheegay hadal sare u qaadaya doonista Mareykanka ee dagaal inuu ku lug yeesho, isagoo ku sifeeyey inay tahay wax lagu qasbanyahay haddii nabad dheer la rabo in dagaal lagu dhawaaqo oo colaad la isku diyaariyo.

dhinaca kale Ruushka ayaa u daabuli doona dalka Venezuela, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed-131/136, kuwaasoo fuliya weerarro is qarxin ah , si ay sare ugu qaadaan awoodda weerar ee Venezuela, haddii uu Mareykanka duullaan ku qaado, sida uu tabiyey kanaalka milatariga Ruushka ee Rybar.

Waqtigan Si aan horey loo arag, magaalooyinka waa weyn ee Mareykanka oo ay ku jirto caasimadda Washington, DC, waxaa lagu daabulay ciidan badan oo milatari ah. Dhaqdhaqaaqa waxaa lagu sheegay in lagu joojinayo dilalka iyo rabshadaha amni darro ee ka dhacaya magaalooyinka Mareykanka.

Goor hore Putin ayaa yiri “ Kuma burburin karno Mareykanka dagaal lagu qaado, si loo burburiyo waa in dagaallo looga furo gudaha oo dadka Mareykanka ee hubeysan cadaadis dusho loo saaro, ilaa xasaradu gudaha ka kacdo.” waxaana muuqata in ruushku uu qorshahaasi dar dar galinayo.

Sida kastaba sida qubaradu sheegayaan Mareykanka, wuxuu arkay khatar ka dhan ah oo ka socota Venezuela, halkaa oo ay saldhigyo ka furteen; Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan, kuwaasoo billaabay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Mareykanka , wuxuuna ka cabsi qabaa Mareykanka in halkaa la keeno gantaallo, lana hubeeyo kooxaha daroogada si ay weerarro uga fuliyaan gudaha Mareykanka , isla markaana mareykanka lagu furo dagaal gudaha ah oo lagu xannibayo galaangalka siyaasadiisa arrimaha dibadda, waxaana arrintani ay tahay mida qasbeysa deg dega mareykanka ee ku aadan duullaanka uu ku qaadayo Venezuela oo uu uga goleeyahay inuu ka hor tago khatartaasi, hase ahaatee tilmaamaha in wax intaa ka badan uu Mareykanka qorsheynayo ayaa ah wax aan meesha laga saari karin.

Exit mobile version