Hogaamiyihii kooxda Daacish ee dalka Suuriya ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha Pentagon-ka.
Maher Al-Agal waxa uu ka mid ahaa 5-ta hogaamiye ee ugu sareeya kooxda xagjirka ah ee ISIS. Mareykanka ayaa ku eedeyay Maher Al-Agal in uu mas’uul ka ahaa horumarinta shabakadaha IS ee ka baxsan Suuriya iyo Ciraaq.
Maxamed Xuseen, Hortabin Media