War ka soo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari ay ka fuliyeen duqeyn diyaaradeed oo ay ku beegsatay mileeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in ay mileeshiyaad ka tirsan Daacish ku beegsadeen duqeyn diyaaradeed oo ka shacday buuraha Golis gaar ahaan Calmiskaad.
Duqaynta ayaa la sheegay inay ka dhacday godad dhaca togga Baallade oo ay ku go’doonsan yihiin kooxo ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah, sida laga soo xigtey saraakiil katirsan hawlgalka Hillaac.
Ciidanka difaaca Puntland ayaa muddooyinkii dambe hawlgallo xooggan ka wadey togga Baallade iyagoo la wareegey saldhigyo, ceelal biyood, saanad ciidan, dawo iyo agab kale oo ay lahayd kooxda Daacish.