Friday, September 12

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay in wadamada Afrika ay la kulmi karaan cawaaqib haddii ay soo iibsadaan badeecooyinka Ruushka ee uu Maraykanku cunaqabateeyey.

Waxay sheegtay in wadamada Afrika ay xor u yihiin in ay Ruushka ka iibsadaan qamandiga iyo haruurka kale balse aanu Mareykanka ogolaan doonin in Ruushka laga soo iibsado badeecooyinka ay cunaqabateynta saaran tahay sida saliidda Ruushka.

“Dalalka Afrika wey soo iibsan karaan wax soo saarka beeraha Ruushka sida waxyaabaha la xiriira bacriminta iyo qamandiga,” ayay Linda Thomas-Greenfield ku tiri shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Kampala, ka dib kulan ay la qaadatay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Linda ayaa intaas mu dartay in haddii waddan uu go’aansado in uu Ruushka kala macaamilo waxyaabaha ay cunaqabatayntu saaran tahay, ay taasi markaasi ka dhigan tahay “in dalkaasi uu wajihi karo tallaabooyin ka dhan ah.”

Safarka danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku soo aadaya todobaad kadib markii uu booqasho ku yimid qaarada Afrika Sergei Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, kaasoo meesha ka saaray eedeymaha ah in duulaanka dalkiisa uu ku qaaday dalka Ukraine uu sababay dhibaatada cunno yarida ee ka jirta dalalka Afrika sida Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

Lavrov ayaa cunno yarida ka jirta meelo badan oo caalamka ah dusha ka saaray wadamada reer galbeedka oo uu sheegay in falcelinta ay ka bixiyeen dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukrain ay sababtay cunno yarida jirta.

Wax soo saarka beeraha ee Ukraine iyo Ruushku ayaa ah mid ay dalal badan oo caalamka ah ku tiirsan yihiin. Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa laga soo sheegayaa in ay qarka u saaran yihiin macluul ka dhalatay cunno yarida uu sababay dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Laakiin danjiraha Mareykanka ee QM Linda Thomas-Greenfield ayaa ku adkaysatay in cunaqabataynta Washington aanay sabab u ahayn sare u kaca qiimaha cuntada ee Afrika iyo meelo kale.

Laakiin waxay dhanka kale sheegtay in Maraykanku uu doonayo in uu sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Washington iyo dalalka Afrika.

Lama oga sida ay wadama Afrika uga falcelin doonaan digniintaan cusub ee kasoo yeertay Mareykanka iyadoo la ogyahay in dalal badan oo Afrikaan ah ay xiriir soo jireen ah la leeyihiin Moscow.

Axmed Dhaqane, Nairobi

Exit mobile version