Maraykanku wuxuu bixinayaa abaalmarinno gaadhaya $10 milyan (£7.6 milyan) qof kasta oo haya macluumaad ku saabsan “hoggaamiyeyaasha muhiimka ah” ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC).
Ogeysiis ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa tixraacaya 10 qof oo gaar ah, inkastoo magacyada lix kaliya la shaaciyay.
Kuwaas waxaa ka mid ah hoggaamiyaha sare ee cusub Mojtaba Khamenei iyo xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Ali Larijani, kaas oo hore loogu arkay isagoo ka qaybgalaya isu soo bax taageero u ah dowladda oo ka dhacay bartamaha Tehran.
Maraykanku wuxuu sheegay in ay “hoggaamiyaan oo ay hagaan qaybo kala duwan” oo ka tirsan garabka milatari ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan.

