Thursday, September 11

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykan Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu cuna-qabateyn saaray 6 shirkadood iyo hal markab oo uu sheegay in ay Iiraan ka caawiyeen iib geynta shidaalka Iiraan.

Blinken ayaa sheegay in shirkadaha iyo markab lagu soo rogay cuna-qabateynta ay ku xad-gudbeen cunaqabateynta saaran dalka Iiraan waxaana uu sheegay in tani ay qeyb ka tahay olole cadaadis lagu saarayo Iiraan si ay ugu hogaansanaanto isla markaana ay dib ugu soo noqoto wada hadalada barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

“Waxaan cunaqabatayn saarnay shirkadaha ka ganacsada shidaalka Iran iyo kiimikooyinka batroolka. Waxaan sii wadi doonaa adeegsiga awoodayada si aan u bartilmaameedsanno dhoofinta Iran ee badeecadahaas ilaa Iran ay diyaar u tahay in ay si buuxda ugu soo noqoto wada hadalada isla markaana ay u fuliso ballanqaadyadeeda heshiiska nukliyeerka.”

Antony Blinken

Afar ka mid ah shirkadahaasi ayaa saldhigooda yahay dalka Shiinaha, halka labada kalana uu fadhigoodu yahay Singapore iyo Imaaraadka Carabta iyadoo markabkana laga leeyahay dalka Panama.

Ahmed Dhaqane, Hortabin Media

Exit mobile version