Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio ayaa xaqiijiyay in dalkiisa uu Iiraan u diray dalab la xiriira in lasoo afjaro Dagaalka Bariga si loosoo afjaro colaaddaas balse waxa uu xusay in aanay weli jirin jawaab ay ka heleen dhanka Tehran.
Marco Rubio ayaa shaaciyay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay soo afjaridda colaadda iyo in xoogga la saaro hannaan weliba oo macquul noqon kara si loosoo soo gabagabeeyo xiisadda saamaynta taban ku reebtay Dunida.
Dhowr jeer sidaan oo kale sheegasho ka timid dhinaca Maraykanka waxaa beeniyay Dowladda Iiraan, waxaana ay ku tilmaamtay in Washington ay samaynayso marin habaabin si indhaha Caalamka looga soo jeediyo dhinaca Colaadda.
Tehran ayaa laga sugayaa jawaabta ay ka bixiso arrintaas maadaama la sugayo dhankooda, waxaana si hoose u socda dedaallo lagu raadinayo xalka keliya ee xabbadda lagu soo afjari karo sida hadalka loo dhigay.

