Maraykanku wuxuu dirayaa kumannaan dheeraad ah oo Marines iyo badmaaxiin ah Bariga Dhexe, sida ay sheegayaan warbixino kala duwan oo soo xiganaya saraakiil aan magacooda la shaacin.
Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in qiyaastii 2,500 oo Marines ah oo saaran markabka USS Boxer ee saldhiggiisu yahay California iyo cutubka 11aad ee Marine Expeditionary Unit ay u socdaan Bariga Dhexe, sida ay warbaahinta Maraykanku sheegtay.
Mid ka mid ah saraakiisha ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in dirista ka imanaysa xeebta galbeed ay ka soo hormartay saddex toddobaad ka hor jadwalkii la qorsheeyay.
Sidoo kale Trump oo warbaahinta la hadlay ayaa hadalkiisa ku sheegay in Maraykanku uu “uu wax wanaagsan ka qabtay Iran” Wuxuu shegay in Iran “aysan laahyan mar dambe ciidan baddeed” iyo 58 markab ay “burburiyeen” laba maalmood isagoo xusay in Maraykanku haysto “ciidmaada badda ee ugu weyn adduunka”
“Waxaan ka qabanay wax wanagasan”ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inay oggolaan doonin in Iiran yeelato hubka Nukliyeerka sababtoo ah “hadday helaan waa adeegsanayaan”

