Thursday, September 11

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in qalab militari oo ku kacaya adduun dhan 1.1 bilyan oo dollar uu Mareykanku ka iibinayo jasiiradda Taiwan. War qoraal ah oo kasoo baxay Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in qalabka Militari ay ku jiraan 60 gantaalada lidka maraakiibta ah iyo 100 gantaalada nooca hawada sare isaga goosha ah.

Tallaabadan uu Mareykanku hubka kaga iibinayo jasiiradda Taiwan ayaa kusoo aadeysa kadib dhoolatuskii milatari ee Shiinuhu uu ka sameeyay agagaarka Taiwan ka dib booqashadii ay ku tagtay jasiiradda bishii hore afhayeenka Aqalka Wakiilada ee Mareykanka Nancy Pelosi, oo ah sarkaalkii ugu sareeyay ee Mareykan ah oo u socdaala Taipei muddo sanado ah.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid waafaqsan sharciga xiriirka caalamiga ah ee Taiwan. Sarkaalka ayaa sheegay in laga soo bilaabo sanaddii 2010-ka Taiwan horay looga iibiyay qalab militari oo ku kacay in ka badan 35 bilyan oo doolar.

“Waxaan ku boorineynaa Beijing inay joojiso culeyskeeda militari, diblomaasiyadeed, iyo dhaqaale ee ka dhanka ah Taiwan, beddelkeedana ay wadahadal macno leh la gasho Taiwan.” ayuu yiri af-hayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Beijin ayaan weli jawaab kasoo saarin tallaabadan cusub ee uu Mareykanka daboolka ka qaaday.

Najiib Abdi, Washington

Exit mobile version