Thursday, September 11

Manchester United ayaa ogolaatay in ay kooxda  Ajax kala soo wareegto cayaaryahanka Lisandro Martinez oo ah daafac sidoo kalana ka dheela khadka dhexe. 

Martinez ayaa qalinka ku duugi doona heshiis shan sano ah oo uu ku kacaya €57.37 Milyan isagoo dib ula midoobi doona tababarihiisii hore ee Erik ten Hag. 

War qoraal ah oo ka soo baxay Manchester United ayaa lagu yiri: “Manchester United waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo in kooxdu ay heshiis la gaartay Ajax ku aadan soo wareejinta daafaca heerka caalami ee dalka Argentina Lisandro Martinez iyadoo la marayo shuruudaha caafimaadka, kuwa ciyaaryahanka lala galayo iyo shuruudaha fiisaha UK.”

Martinez waxa uu ka ciyaari karaa daafaca iyo khadka dhexe, kuwaas oo ah qeybaha uu tababare Ten Hag doonayo in uu ka xoojiyo kooxdiisa. Martinez ayaa u saftay 118 kulan kooxda heysata horyaalka Holland tan iyo intii uu ku soo biiray kooxda 2019. 

Exit mobile version