Friday, September 12

Erling Haaland ayaa sii watay gool dhalintiisa cajiibka ah kooxdiisa Manchester City isaga oo laba gool oo kale dhaliyay kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Sevilla ee horyaalka Champions Leaque.

Xiddigan reer Norway ayaa haatan dhaliyay 12 gool todobo kulan oo uu u saftay City tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Borussia Dortmund xilli ciyaareedkii hore.

Gooldhaliyahan laga yaaban yahay ayaa daqiiqadii 20-aad City hogaanka u dhiibay, kadib markii uu kubad cajiib ah daba mariyay goolhayaha Sevilla Yassine Bounou kubad uu ka helay xidigga Kevin De Bruyne, iyadoo labada gool ee kale ay kala dhiliyeed xidigaha Phil Foden iyo Ruben Dias.

Exit mobile version