Waxaa xilligan loo guntaday xalinta dagaal beeleed ka dhacay gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaare aad u baahsan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qorshaha xal u raadinta ayaa waxaa u dhaba galay odayaal dhaqameed iyo guddi uu maamulka Galmudug u saaray xalinta dagaalkan.
Waxaa iminka la kala qaaday maleeshiyadii isku hor fadhiyey goobihii uu dagaalku ka dhacay, waxaana lagu guda jiraa sidii lagu xalin lahaa colaadaasi u dhaxeysa beelahaasi Soomaaliyeed.
Guddi uu madaxweynaha Galmudug u magacaabay daminta colaadda u dhexeysa beelahan Aaxddii ku dagaallamay deegaanka Laandheer ee Gobolka Galgaduud ayaa xilligan soo saaray go’aanno ku aaddan xal u helidda iska hor-imaadka.
Sida ay sheegeen xubnaha Guddigan waxa ay ku guulaysteen, oo ay kala qaadeen Maleeshiyadi is hor fadhisay, iyagoo sidoo kale tilmaamay in ay xaaladda hadda daggan tahay laba maalin kadib markii uu halkaasi ka dhacay iska hor-imaad culus, waxeyna xuseen in ay beelahaasi u dhigeen gogol nabadeed.
Dagaalkii beeleedkan ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday in ka badan 50 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan, iyadoo uu wal wal ku abuuray dadka rayidka ah ee halkaasi degan.