Friday, September 12

Somaliland oo ayaa in ka badan 30 sano sheeganeysa in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waana arrin caqabad ku ah midnimada dalka, oo laga sugayo in ay Dowladdu door ku yeelato.

Sida la xasuusto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo sanadkii la soo dhaafay ka hadlayey munaasabada 26 June oo ah markii ay gobolada waqooyi xornimada ka  qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa ku dheeraaday arrintan la xiriirta gooni isu taaga Somaliland.

Xamse ayaa nasiib darro ku tilmaamay, in 60 sano kadib ay kala maqan yihiin gobolada waqooyi iyo kuwo koonfureed, isagoo sheegay in dowladan ay dadaal badan ku bixin doonto xalinta tabashooyinka ay qabaan Somaliland.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in isaga iyo Madaxweynaha ay ka go’an tahay dib u furida wada hadaladii labada gobol, taas oo hoos u dhacday intii uu xafiiska joogay Farmaajo.

Xukuumadda uu hoggaamiyo ayuu xusay in ay kaalin weyn siineyso sidii loo amba qaadi lahaa wada hadaladaas, wuxuuna sheegay in dhankooda ay muujinayaan tanaasul ballaaran

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kal hore wada hadalada labada dhinac u xil saaray ergay hore usii dhaqaajiya, wuxuuna magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ay muddo dheer ahaayeen saaxiib siyaasadeed

Cabdikariin oo arrintan ka hadlay Shalay ayaa sheegay in ay ahmiyada koowaad siinayaan, qabsoomida wada hadalo u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in ay ka soo bixi doonaan wax loo aayo mustaqbalka.

Lama ogga waqtiga rasmiga ah ee ay wada hadalada billaaban doonaan, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in ay adag tahay in Somaliland lagu qanciyo arrimaha la xiriira midnimada dalka.

Exit mobile version