Saturday, September 13

Taliyaha hay’adda NISA Mahad Salaad ayaa Xalay kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Taliye Mahas Salaad oo ay la socdeen xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo saraakiil  ayaa la afuray Saraakiisha iyo Ciidan  ku howlanaa sugida Amniga Demooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Mahad Salaad ayaa bogaadiyey shaqada adag ee ay hayaan ciidamada amaanka isagoo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan howlaha sugida amaanka.

Sidoo  kale Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka   kun wehliyay Taliyaha Hay’adda Nisa Mahad Salaad Kormeerka ayaa ka war bixiyay Goobaha ay tageen .

Xildhibaan Xaadoole ayaa  sheegay in ay  la kulmeen shacabka   degmooyinka Helwaa  iyo Yaaqshii oo soo dhaweeyay Hawlgallada Amniga lagu sugayo ee ka socda Degmooyinkaasi.

Kormeerkan ayaa imaanaya xili la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan , iyadoo Al-shabaab  bil kasta oo Ramadaan ay xoojiyaan weerarada ay ka geystaan Muqdisho iyo degaannada kale ee dalka.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo hagaagay tan iyo markii Hay’adaha Amniga ay bilaabeen  Xajiinya Amniga Guud ee Magaalada  ee Muqdisho .

Exit mobile version