Xaalad aad u liidata ayaa laga soo warinayaa degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, halkaas oo ay go’doomiyeen kooxda Al Shabaab.
Cirifyada magaalada ayaa weli waxaa deggan kooxda Al Shabaab, kuwaas oo diidan in magaalada la geeyo raashinka quutul daruuriga ah.
Waxaa sidoo kale yaraaday diyaaradihii halkaasi tagi jiray si ay u gaarsiiyeen raashin, sababo la xiriira cabsi laga qabo weeraro ka yimaada Al Shabaab.
Dadka ku dhaqan Qansaxdheere ayaa wajahaya waayo aad u adag, waxaana qiimo sare la iibinayaa nuucyada raashinka quutul daruuriga ah.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qansaxdheere Cumar Maxamed Cali (Cumar Madmad), ayaa dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay xal deg deg ah u keenaan dadkan tabaaleysan ee ku sugan xaaladda go’doonka ah.