Madaxweynr Hassan Sheikh Mohamud oo maanta tababbar u soo xiray dufcooyinka 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen kuwaas oo uu tabarbar ku qaatay Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom.
“Hirgelintii dugsigan waxa ay billow u tahay in wakhti dhow aan gaarno in aan si buuxda, gudaha dalkeenna, ugu tababbaranno ciidankeenna. Waxaan u hamablyeynayaa waalidiinta, walaalaha iyo qoysaska ay ka soo jeedaan Saraakiishan iyo kuwii ka horreeyeyba ee halkan ka bixi jiray in ay u oggolaadaan ubadkooda ku biiridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweyne HSM oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka dalka Turkiga Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.
Maxamed Xuseen, Hortabin Media