Thursday, September 11
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal ku maraya dalalka gobolka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.
 
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.
 
Socdaalka madaxweynaha oo daaran xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale ee labada dal ayaa dhanka kale waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh hadal ka jeedin doonaa Baarlamaanka Jabuuti isaga oo uga warbixin doona xaaladda guud ee Soomaaliya. 
 
Maxamed Xuseen, Hortabin Media 
 
Exit mobile version