Friday, September 12

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya kulan kula qaatay danjiraha dowladda Qatar Xasan binu Xamsa Haashim, isagoo ka guddoomay martiqaad uu uga siday Amiirka dalka Qatar Tamiim binu Xamad.

Danjiraha ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey aqbalaadda martiqaadka uu u soo diray Amiirka Qatar. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa danjiraha uga mahadceliyey martiqaadka dowladiisa iyo sidoo kale mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen gudaha dalka, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Waa safarkii ugu horeeyay ee uu madaxweyne HSM ku tago dalka Qatar tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha.

Maxamed Xuseen, Muqdisho

Exit mobile version