Monday, February 2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan degdeg ah la qaadanaya Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka si looga arrinsado xadgudubka Israa’iil ay ku samaysay wadajirka Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa uu la hadlay madax kala duwan, Mas’uuliyiinta Mucaaradka, Dowlad-Goboleedyada, Bulshada Rayidka iyo cid weliba oo door ka qaadan karta ilaalinta midnimada Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Baarlamaanka labadiisa Aqal la wadaagi doonno go’aanka ka dhiidhinta ah ee xadgudubka bareerka ah ee Yuhuudda ay u gaysatay Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hakiyay dhammaan howlihii kale uu hayay isaga oo xoogga isugu geeyay arrinta difaaca Dalka oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ku sameeyay faragelin ka dhan ah wadajirka Bulshada Soomaaliyeed.

Exit mobile version