Friday, September 12

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho inuu kulan kula yeesho Madaxda Mucaaradka.

Kulamadan oo ka dhici doona Madaxtooyadda dalka ayaa waxaa ka soo muuqan doona dhinaca mucaaradka, Madaxweynihii hore, Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul wasaareyaal hore iyo madax kale.

Inkasta oo Ajandaha Kulanka aan warbaahinta lala wadaagin ayaa waxaa warar soo baxaya tilmaamayaan in Madaxweyne Xasan Shiikh dhageysan doono tabashada Xubnaha Mucaaradka.

Mucaaradka ayaa ka biyo diidan hannaanka dowladda u wajahday dhammeystirka dastuurka dalka iyo jiheynta Doorashooyinka.

Xubnaha maanta la kulmaya Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa hore u diiday gogosha qabsoontay 16 bishaan June, taasi oo ay ka soo qeyb galeen Madax hore iyo madaxda dalka.

Exit mobile version