Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee wasiiradda oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Madaxweynaha ayaa wasiiradda cusub ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay isagoo dhan kalana ku bogaadiyey ra’iisul wasaare Xamse, latashiyada ballaaran ee uu sameeyey iyo dadaalka uu ku bixiyey dhismaha xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda iyo fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.
“Dadka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adeegtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku masuuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dhaarta iyo masuuliyadda.” ayuu ku yiri madaxweynaha wasiirada cusub.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.
Maxamed Xuseen, Muqdisho