Friday, September 12

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isagoo kulan gaar ah la qaatay taliska guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, talisyada hoggaannada, taliyeyaasha ciidamada gaarka ah iyo taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Benaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdan cusub ee uu hoggaamiyo ay xoogga saareyso labo istiraatiijiyadood oo lagula dagaallamayo argagixisada, si looga ciribtiro guud ahaan dalka, waxaana uu sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida ay laf dhabar u yihiin qorshahan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u kuur galaya howlaha Taliska Guud ee Booliska Soomaaliyeed.

“Dowladdaan cusub waxaa u degsan labo siyaasadood oo ay argagixisada kula dagaallameyso, waxaan rabnaa in aan kula dagaallanno hab fikri ah, diiniyan ah, waddaniyad ah oo aan dadka Soomaaliyeed ku tusineyno beenta ay wadaan argagixisada. Sidoo kale waxaan rabnaa in aan kala dagaallanno ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, annagoo hab sharciya u mareyno, dadka Soomaaliyeedna ku qancineynno in aan la aqbaleynin in ay argagixisada dhaqaale siiyaan”

“Dowladdu waxaa ahmiyad gaar ah siineysaa horumarinta shuruucda ciidamada dalka si loo helo sharciyo la jaanqaadi kara hababka casriga ah ee ay waqtigan u shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee caalamka, taas oo fududeyneysa xaqiijinta hadafka guud ee ilaalinta amniga dalka. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay hormuud u noqdaan ilaalinta shuruucda ciidamada, dhaqan-gelinta xeerarka guud ee dalka, dhowrista sharafta, karaamada iyo xorriyada muwaadiniinta Soomaaliyeed xilliyada shaqada Qaranka.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Maxamed Xuseen, Muqdisho

Exit mobile version