Thursday, September 11

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nayroobi halkan oo uu ku joogayo safar shaqo oo hal maalin ah.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doono dhiggiisa dalka Kenya Mudane Wilam Ruto oo ay kaga arrinsanayaan , iskaashiga labada dal ee ciribtirka argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka, xasilloonida iyo nolosha shucuubta gobolka iyo danaha Soomaaliya iyo Kenya.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad diblomaasiyadeed ay ka taagan tahay geeska Afrika, isla markaana maalmihii u danbeeyey uu hoos dhacay ganacsigii Jaadka ee la keenayey Muqdisho, kaas oo la isku fahmi waayey.

Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah diirada u saari doona arrimaha ganacsiga, iyo sidii loo xalin lahaa xiisada gobolka ka taagan oo fursad siineysa argagixisada.

Exit mobile version