Thursday, September 11

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

Dhankeeda, Marwo Samantha Power ayaa ballan-qaadday in Hay’adda USAID ay bixin doonto lacag deeq ah oo gaaraysa $470 Malyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay Hay’addu u qoondeysay Soomaaliya $668 Malyan. Deeqdan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada abaaraha iyo hormarinta adeegyada muhiimka ah.

Maxamed Xuseen, Hortabin Media

Exit mobile version