Monday, October 27

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Samoei Ruto isagoo ugu hambalyeeyey isaga iyo Ku-Xigeenkiisa Rigathi Gachagua, guusha ay ka gaareen doorashooyinka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqonaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka.

Sida ay madaxtooyada Qaranka baahisay labada madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Hambalyada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aadeysa iyadoo murashixii la tartamayay madaxweynaha dooran uu maanta ka hor yimid natiijada doorashada isagoo sheegay in ay aadi doonaan maxkamadda sare ee dalka.

Axmed Dhaqane, Nairobi

Exit mobile version