Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa maanta kulan la qaatay dhigiisa Cabdulfataax Al-siisi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Masar u muujiyay mudnaanta ay dowladiisa siinayso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isagoo tilmaamay in booqashadan ay saldhig u noqonayso dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Dhanka kale, madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u doorashadiisa isagoo bogaadiyey dadaalka ay shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu jiraan dowlad dhiska iyo xasilinta dalkooda, waxa uuna sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay xaqiijinta Soomaali heshiis ah, mideysan, xasillooni oo horumar ku tallaabsata.
Maxamed Xuseen, Hortabin Media