Sida laga soo xigtay Sarkaal ka mid ah kuwa dhanka caafimaadka u qaabilsan Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Museveni, waxaa saacadihii la soo dhaafay laga helay xanuunka COVID19
Sarkaalka ayaa sheegay in Madaxweynaha laga helay dhamaan astaamihii muujinayey in xanuunkani uu soo ritay, sida sida hergab fudud.
Astaamaha xanuunka ayaa Madaxweynaha lagu arkay, wixii ka danbeeyey arbacadii aynu ka soo gudubnay markaas oo uu jeediyey Khudbad uu kaga hadlayey arrimo kala duwan.
Xaaladda Madaxweynaha ayaa iminka ah mid wanaagsan, balse waxaa la sii wadi doonaa in xaaladiisa lala tacaalo, sida ay barteeda Twiiterka ku qortay Diane Atwine oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda caafimaadka dalka Ugandha.
Madaxweyne Museveni oo 78 sano jir ah, ayaa qaatay tallaalka COVID19, waxaana weli jirta cabsi ku aaddan inuu xanuunku dhulka dhigo, sababo la xiriira da’diisu oo u nugul.