Monday, September 15

Madaxweynahan Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray wado cusub oo laga hirgaliyey degmooyinka Wardhiigleey iyo Cabdicasiis.

Marinkan oo isku xiraya labadaasi degmood ayaa waxaa hirgalinteeda iska kaashaday dadka deegaanka oo garab ka helaya maamulka gobolka Banaadir.

Wadadan ayaa loogu magac daray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Cali, taas oo uu bogaadiyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa dhiiriyey in bulshadu isku tashato, wuxuuna soo jeediyey in degmooyinka kale ay ku daydaan shacabka labadaan degmo oo iskaashi ku dhistay wado isku xirta.

Exit mobile version