Monday, September 15
Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka soo laabtay dalka eritrea, kadib booqasho labo maalin qaadatay oo uu dalkaasi ku tagay, isagoo intii uu halkaasi ku sugnaa booqday meelo kala duwan oo ay ka mid tahay xeryaha ay ku jiraan ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka ku qaadanaya Eritrea.

Madaxweynaha oo marar kala duwan safaro ku tagay eritrea ayaa u muuqda mid jaal dhaw la noqday Madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki, isla markaana la kaashanaya sidii looga samata bixi lahaa culeysyada kala duwan ee ku soo kordhay gobolka.

Safarada badan ee Madaxweyne Xasan Sheekh, gaar ahaan midkan ugu danbeeya ee uu iminka ka soo laabtay, ayaa ku soo aaddaya xilli uu aad u xun yahay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Eritrea ayaa muujineysa u heelnaan dhanka Soomaaliya ah, maaddaama ay wada leeyihiin hal caddow, kaas oo ah Itoobiya, waxaana labada dal ka go’an sidii ay isku kaashan lahaayeen.

Madaxweynayaasha labada dal oo kulmay ayaa ka wada arrinsaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ka dhaxeeya, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka.

Eritrea iminka waxaa lagu tababarayaa cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliya, iyadoo hore u tababartay ilaa 5-kun oo askari, kuwaas oo lagu qeexay in ay ahaayeen ciidamadii ugu tababarka fiicnaa Soomaaliya.

Isku soo dhawaanshaha labada dal, ayaanan farxad galineyn Itoobiya, oo waqtigan u hanqal taageysa sidii ay bad ku heli lahayd, iyadoo soo hunguriyeeysay badda Soomaaliya, waxaase tallaabadaasi ka dhiidhisay Soomaaliya, oo sidoo kalana taageero ka heshay badi dowladaha Caalamka.

Exit mobile version