Friday, September 12

Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlayey arrimaha Dastuurka xillgan horyaalla Barlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in la joogo waqtigii la dhameystiri lahaa Dastuurka, maaddaama sida uu sheegay uu in badan KMG ahaa.

Xasan Sheekh ayaa labada aqal ee Barlamanka ku booriyey howsha la xiriirta dhameystirka Dastuurka, isagoo xusay in Barlamankan ay xusi doonto taariikhda.

Madaxweynaha ayaa duray Madaxweynayaasha Farmaajo iyo Shariif, kuwaas oo ka soo horjeeda arrimaha dhameystirka dastuurka, wuxuuna xusay in cid walba oo diidan dhameystirka dastuurka ay caqabad ku tahay hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Exit mobile version