Friday, September 12

Madaxweynaha dowladda fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir gudoomiyey shirka gollaha  dhaqaalaha qaranka, kaas oo maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.

Shirka heerka sare ee golaha dhaqalaaha qaranka oo qabsoomay markii ugu horaysay ayaa qodobadii looga hadlay waxaa ka mid ah hiigsiga 2060, iyaga oo meel-mariyay talooyinkii ka soo baxay wajiga 1-aad ee geeddi-socodka diyaarinta hiigsiga 2060.

Intii uu kulanku socday gollaha ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya usoo jeediyey in la ansixiyo diyaarinta hiigsiga 2060 iyo meel-marinta talooyinka ka soo baxay heerka farsamo ee golaha dhaqaalaha qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka soo xiray, ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay ka go’an tahay soo nooleynta dhaqaalaha dalka iyo arrimaha la xiriira deyn cafinta.

Exit mobile version