Sunday, September 14

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, oo maanta khudbad ka jeediyey garoonka kubbada cagta ee Stadium Muqdisho oo ay isugu yimaadeen, shacab iyo masuuliyiin u dabaal degaya xuska Kowda Luuliyo, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlay milgaha midnimada, iyo xoriyadii la qaatay 1960-kii taas oo sida uu sheegay ku timid naf hurnimo ay sameeyeen Soomaalida.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al Shababa, oo ku tilmaamay koox duulaan ku ah diinta Islaamka.

Wuxuu Madaxweynuhu soo hadal qaaday, Masjidkii ay shalay Al Shabaab qarxiyeen, ee ku yaallay degmada Ruun-Nirgood, taas oo ku tilmaamay arrin cadeyneysa dagaalka ay kula jiraan diinta.

Madaxweynaha dalka ayaa bogaadiyey dadaalada looga hortagayo musuqa, oo uu sheegay in hadda ay marayaan meel fiican, wuxuuna muwaadiniinta kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan hay’adaha garsoorka, si musuqa dalka looga suuliyo.

Madasha uu Madaxweynuhu ka hadlay waxaa buuxay shacab fara badan, kuwaas oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, si ay uga qeyb galaan munaasabada xuska Kowda Luuliyo, oo ah markii koonfurta ay ka xorowday gumeystihii Talyaaniga, aynu midoobeen waqooyi iyo koonfur.

Exit mobile version