Friday, September 12

(Hortabin Media) – Madaxweynaha Dowladda Fedraalk Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul uga hadlay mar kale, damaca Itoobiya ee ku aaddan hanashada 20-km oo ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo shalay khudbad ka jeediyey masjidka Madaxtooyada, ayaa duulaanka Itoobiya ku sifeeyey mid gardaro ah, wuxuuna Soomaalida ku booriyey in ay dhiigooda u shubaan dhulkooda.

Xasan Sheekh ayaa sheegey in Soomaaliya aysan gacmaha ka laaban doonin haddii lagu soo xadgudbo, wuxuuna cod dheer ku sheegay in ay Soomaalidu qaadi doonaan tallaabo walba oo ay ku daafacayaan madax bannaanida bad iyo barigoodaba.

Wuxuu Madaxweynuhu si cad uga dhawaajiyey in caqabadii Al Shabaab ay ku soo siyaaday faregalin ama duulaan shisheeye, kaas oo sida uu hadalka u dhigay u baahan iska caabin.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegamaya xilli Itoobiya ay ku adkeysaneyso fulinta damaceeda ku addan heshiis beenaadkii ay la gashay Somaliland, waxaana dhawaan la taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Ethiopia Redwan Hussein uu sheegey in diyaar u yihiin cagajugleyn, iyo eedeyn walba oo ka soo gaarta marinka badda ee ay doonayaan, waana arrinta sii adkeyneysa xaaladda gobolka geeska Afrika.

Exit mobile version