Thursday, September 11

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaleeceyn dusha uga tuuray qaabka uu Madaxweynaha Puntland Saciid Deni u wajahayo doorashada maamulkaasi oo dhawaan qabsoomi doonto.

Xasan Sheekh ayaa deni kula taliyey inuu qabto doorasho loo wada dhan yahay, oo aanan keeneynin wax khilaaf ah.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in  Puntland ay muddo dheer ku soo caana maaleysay doorashooyin daah furan, isagoo soo jeediyey in aan dhabaheeda laga weecin.

Hadalka uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka sheegay Masjidka Madaxtooyada, ayaa ku soo aadaya xilli uu dhawaan shaaciyey in uusan jirin khilaaf kala dhaxeeya hoggaanka Maamulka Puntland.

Exit mobile version